Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Filish ayaa maanta dhagac dhigay Jidka Jaalle Siyaad ee dhex mara degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, kaasoo laba sano ka hor uu sidoo kale dhagax dhigay Guddoomiyihii hore Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow).
Jidkan oo aan wax dayactir ah helin ayaa dhismihiisa laga bilaabayaa Isgoyska Korontada, waxaana la dhisi doonaa ilaa Isgoyska Xoosh, sida uu sheegay guddoomiye Cumar Filish, iyadoo ay dhismihiisa iska kaashanayaan dadka degaanka iyo maamulka G/Banaadir.
Guddoomiyihii hore Allaga ua naxariistee Eng, Yariisow ayaa isla wadaddan dhagax dhigay 27-kii May, 2018 xilligaas oo la sheegay in jidka lagu dhisayo isku tashiga bulshada deegaanka, wuxuuna kulan kula yeeshay xarunta degmada xilligaasi odayaasha iyo waxgaradka Degmada Dharkeynley.
Dadka xogogaal ah ayaa Goobjooge u sheegay in lacago badan xilligaasi uu mamulka degmada Dharkeynley ka ururiyey dadka degaanka, gaar ahaan Ganacsatada iyo dadka Guryahooda saaran yihiin Jidka iyo guryaha kale ee u dhow, iyadoo lacagahaasi aan la ogeyn meel ay mareen, wax dhisme ahna aan laga fulin jidkaas muddo ka badan laba sano.

DHAGAX DHIGGII ENG. YARIISOW MAY 2018



DHAGAX DHIGGA CUMAR FILISH NOVEMBAR 2020



