Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa degmooyinka Gobolka Banaadir ka wada qaadista canshuur hormaris ah oo dadka lagu qasbayo inay bixiyaan, iyadoo aan la gaarin xilligeedii.
Canshuurtan oo ah kuwa Guryaha ee sanadlaha ah ayaa degmooyinka qaar ka bilaabtay 6 bilood kadib markii ay bixiyeen canshuurta sanadkii hore, waxaana hadda xowli ku socda qaadista canshuurtaasi, iyadoo dadka loo adeegsanayo awood ciidan iyo in la xiro.
Dadka Canshuurtan Guryaha laga qaadayo ayaa intooda badan bixiyey sanadkii hore bilihii Ogost, September iyo Oktoobar 2021, waxaana 6 ama 7 bilood kadib hadda mar kale laga qaadayaa canshuurtii.
Ujeedka canshuurta loo dedejinayo ayaa lagu sheegay inay sabab u tahay xilliga kala guurka ah ee dalku galay iyo doorashada socota, waxaana Guddoomiye Cumar Filish iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ay doonayaan inay qasnada Gobolka ku xareeyaan lacag badan inta aanay dhalan dowladda cusub oo ay ka cabsi qabaan inay xilalkooda waayaan.
Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ay ka socoto canshuur qaadista ama laga qaaday waxaa ka mida Howlwadaag, Wadajir, Dharkeynley iyo inta badan degmooyinka kale.
Shacabka ku nool degmooyinka G/Banaadir ayaa la siiyaa digniin 3 maalmood ah, si ay lacagtaasi u bixiyaan, iyadoo la kordhiyey lacag degmooyinka Gobolka dulsaartaan canshuurta Gobolka ee Sanadlaha ah, taasoo markii hore ahayd $10, haddana laga dhigay $20.
Waxaasi oo dhan waxay dhacayaan xilli lagu jiro Bishii Ramadaan oo dadweynaha Muqdisho ay dhibaato ku heysto maciishada sare u kacday iyo amni darro aanu waxba ka qaban maamulka Gobolka Banaadir.
