Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ugu danbeyn si weyn u taageeray qorshaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ah “QOF IYO COD”.
“Dowladda Soomaaliya ee hadda joogta waxay idin siiyey fursad oo waxay idin tiri Waa doorasho Qof iyo Cod ah ee codkiina ku ciil baxa… Dowladaan ayaa idin hiilineysee ka faa’iideysta.. oo fikirkeeda qaata, garab istaaga.” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday xarunta degmada Boondheere.
Wuxuu sheegay in kuwa doonaya Doorashada dadban ay doonayaan in dad uu sheegay inay rabaan inay xukunka iska sii joogaan, balse dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Farmaajo ay u hiilineyso Shacabka Muqdisho.

Gobolka Banaadir ayaa laba xubnood ku yeeshay Guddiga Farsamada ee kasoo talo bixinaya nooca doorashada Shirka saddexaad ee Dhuusamareeb. Madaxweyne Farmaajo ayaa Gobolka Banaadir u soo magacaabay intii uu joogay saddex guddoomiye oo hoos taga, waana gobolka kaliya ee Madaxtooyada Soomaaliya ay magacawdo maamulkiisa.