Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamud (Filish) ayaa sheegay in markii xilka loo magacaabay la qabtay dad la sheegay inay doonayeen inay isaga isku qarxiyaan.
Isagoo ka hadlayey Xus duco ah oo xarunta G/Banaadir loogu sameeyay dadkii lagu dilay qarixii 24 July 2019 oo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Marxuum Candiraxmaan Yariisow, ayuu sheegay in baaritaanka kiiskaasi weli aan lala wadaagin.
“Markii aniga la i magacaabay inta aan xafiiska imaan dad ayaa la qabtay, markii la wareystayna waxay sheegeen inay ku qornaayeen inay aniga isku key qarxiyaan.., kadib dad kale ayaa la qabtay.. Kiiskaas yaa u dhiman, yaa lasoo dhammeystiray kiiskooda, xagee wax marayaan..? hay’adaha baarista ayaan u deynay…wixii ay nasoo weydiiyaana waan siinaa..” ayuu yiri Cumar Filish oo aan ka hadlin sababta baaritaankaasi u qaatay 2 sano iyo ka badan.
Kulanka oo ay qeyb galeen madaxda Gobolka Banaadir, Ehelada dadkii lagu dilay qaraxa iyo shaqaalaha Maamulka; waxaa goobta ka hadashay Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Seynab Xaabsey oo ku dhaawacantay Qaraxii xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo weydiisatay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo wixii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, si cadna u sheegtay inaysan weli arag dad loo soo xiray kiiskii galaaftay nolosha 10 mas’uul oo uu ku jirey Gudoomiye Eng. Yariisow.


“Markii aniga la i magacaabay, waxaa la qabtay dad doonayey inay aniga isku key qarxiyaan”
— Cumar Filish —