Ra’iisal Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa soo saaray Talo soojeedin ka kooban 4 Qodob oo ku saabsan khilaafka Doorashooyinka Puntland.
Qoraal ay wadajir u soo saareen, kadib shirar ay la yeesheen dhinacyada isku haya Puntland iyo qeybaha Bulshada ayey kula taliyeen Madaxweynaha Puntland inuu Doorashada Madaxweynaha qabto 8-da Janaayo.
“Waa in laga heshiiyo Guddiga Doorashooyinka ee Sannadka 2024 si ay xiligeeda ugu dhacdo”, ayey qoraalkooda ku yiraahdeen siyaasiyiintan oo soo jeediyay in la dhammeystiro Doorashada socota.
HOOS KA AKHRISO TALOOYINKA
1- In sida ugu dhakhsaha badan looga qabto doorashada golaha deegaanka saddexda degmo ee Gobolka Nugaal ee ka harsan degmooyinkii la diiwaangeliyey.
2- In sagaalka (9) urur siyaasadeed ee ka diiwaangashan Puntland ay noqonayaa Xisbiyada Siyaasadeed ee Puntland muddo ah shan sano kana qayb galayaan doorashada Golaha Wakiilada ee soo socda.
3- In doorashadu u furantahay qof kasta oo si iskiis ah u noqonaya musharax Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen iyo Xubin Baarlamaan (Independent Candidates).
4- In doorashada Xildhibaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn looga dambeeyo hogaanka dhaqanka ee goboladaas. Wabilaahi Tawfiiq.
Magacyada talo soo jeediyayaasha:
1- Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, MW Hore ee Puntland iyo PM TFG
2- Cumar Abdirashiid Cali Sharmaarke, PM FGS
3- Abdirashid Maxamed Cabdi, Wasiir Hore TFG