Bukaankii ugu horeeyay ayaa la shaaciyey inuu cudurka Coronavirus ugu dhintay Yurub, kadib dalxiise Shiinees ahaa oo ku geeriyooday dalka Faransiiska.
Wasiirka caafimaadka Faransiiska Agnès Buzyn ayaa shaacisay in qof dalxiis ahaa oo u dhashay dalka Shiinaha uu dalkaasi ugu geeriyooday cudurka coronavirus, iyadoo uu ka mid ahaa 11 qof oo cudurkaasi laga helay gudaha dalka Faransiiska.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dalka Masar uu ku geeriyooday qofkii ugu horeeyay ee qaba cudurka Coronavirus, kaasoo ahaa ajnabi aan la shaacin daka uu kasoo jeedo, laguna karaantiilay dalkaasi markii uu tegay, waana kiiskii ugu horeeyay ee Afrika uu qof ugu dhinto cudurkan.
Dunida oo dhan waxaa hadda cudurka Corona sida in ka badan 66,000, waxayna dhimashada uu sababtay sare u dhaaftay 1,500 qof.