Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa codkiisa ku biiriyay baaqyada lagu dalbanayo in la ansixiyo xukuuamadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Faroole oo ku sugan dalka Australia ayaa warbaahinta ka sheegay inay meel mariyaan xukuumaddan oo waqtigeedu kusoo aaday xaalado adag oo abaaro iyo colaad leh.
Wuxuu sheegay inay wax laga xumaado tahay qaar ka mida xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ku dhaqaaqeen oo uu sheegay inay wax u dhimaysa rajadii shacabka.
“Dastuurku wuxuu qorayaa in qofka lagu doorto kartidiisa, aqoontiisa iyo waxqabadkiisa, balse ma qorayo in lagu soo xulo 4.5,” ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo uga digay inay dalka fowdo geliyaan.
“Aqalka hoose ayaan si gaar ah ula hadlayaa, sidii hore ma jireyso hadii aad ku cayaartaan sharafta dalka, ogaada aqalka sare xil baa ka saaran…”. ayuu ka digay Xildhibaan Faroole.
DHAGEYSO