Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu jeediyay codsiga dowladda Soomaaliya oo ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saarnayd tan iyo sannadkii 1992-kii.
Dalalka Golaha Ammaanka ayaa intooda badan ka gaabsaday inay mowqif cad ka qaataan codsiga Madaxweynaha Soomaaliya, waxaase taageeray dalalka Afrika oo codkooda uu ku haday safiirka dalka Mozambique, halka Mareykanka uu sheegay in arrintan dib loogu dhigayo Novembar 2023 marka waqtiga loo cusbooysiinayo Guddiga la-Socodka Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya, Bisha Novembar ee sanadkan.
“Waxaan garoowsannahay in Al-Shabaab oo laga adkaado ay u baahan tahay qorshe dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan ciidamo tayo iyo awood leh, dhismo dowladeed oo loo dhan yahay iyo in dowladdu ay awood u yeelato bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka. Dowladdaydu waxay si dhab ah uga shaqeynaysaa arrimahaas oo dhan, si ay u gaarsiiso dalka nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu u sheegay madaxweyne Xasan, xubnaha golaha ammaanka.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku furay guulaha wax ku oolka ah iyo horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab, waxa uuna sheegay in Sannadkii la soo dhaafay laga xoreeyey gacmaha argagixisada in ka badan 70 deegaan.
“Iyadoo la xoojiyey weerarrada ciidanka ee ku aaddan dabar-goynta argagixisada Alshabaab iyo in la curyaamiyo dhaqdhaqaawooda sirdoon ahaan, waxaan ku guuleysannay in hoos loo dhigo falalkoodii gurrucnaa ee ay ka fulin jireen Caasimadda Muqdisho.” ayuuna yiri.
Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey in cunaqabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh. “”In kasta oo aanu ku tallaabsannay horumar la taaban karo, haddana geeddiga aanu ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya nabdoon oo barwaaqo ah waxa ku hor gudban caqabad adag oo ah cunaqabataynta hubka ee qarankeenna lagu soo rogay sanadkii 1992. Sidaasi awgeed, waxaan si cad hoosta uga xarriiqayaa in Soomaaliyada hadda (2023) aanay ahayn Soomaaliyadii shalay (1992).”
Mar uu ka hadlaayay tallabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka, waxa uu ka codsaday ergada in ay gacan ku siiyaan baaqa ah in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. “Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena.”