Friday, November 8, 2024

Ciyaaryahan Reer Marocco ah oo Hanti lama filaan ah ugu deeqay Qoyskii uu ka dhintay Rayan

Ciyaaryahan u dhashay dalka Marooko ayaa Hanti aan la fileynin ugu deeqay Qoyska uu ka geeriyooday wiilkii yaraa ee Rayaan oo xalay laga soo saaray Ceel uu shan maalmood ku jiray, isagoo meyd ah.

Weeraryahanka Kubadda Cagta Reer Morocco Abdel Razzaq Hamdallah ayaa ku dhawaaqay in uu “Guri si buuxda u qalabaysan” uu ugu deeqay, una hibeeyay qoyska Wiilkii yaraa Rayan Arwan, isagoo ugu baaqay shaqsiyaadka kale inay taageeraan qoyska wiilkaasi.

Laacibka 31 sano jirka ah ee ka ciyaara dalka Sacuuudiga Xamdallah ayaa bogiisa Instagram-ka maanta ku qoray: “Ilaah ayaan u mahadcelineynaa, wax kastana waanu uga mahadnaqeynaa, waxa uu naga jeclaaday Rayaan, isagoo nooga naxariis badan. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Rayaan. waxaana ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo imaan ka siiyo”.

Ad

Ciyaarahanka C/risaaq Xamdallah wuxuu intaas ku daray: “Waxaan go’aansaday anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca qoyskayga iyo magaca dhammaan dadka Morocco iyo Muslimiinta inaan caawiyo oon farxad yar u geliyo qoyska Rayan, waalidkiis iyo walaalihiis, anigoo siinaya Guri qalabeysan, waxaan Alle uga baryaynaa inuu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee dhammaan muslimiinta oo dhan.”

Ciyaaryahankan ayaa ku booriyay cid kasta oo caawin karta qoyska Rayaan, oo ay ku jiraan “Jilayaasha, Fanaaniinta, Ciyaartoyda, Saraakiisha iyo dadka caanka ah inay taageeraan qoyskaasi.
Xalay ayey ahayd markii Rayan laga soo saaray Ceelkii uu shanta maalmood ku jiray, kadibna dowladda dalka Marocco ay shaacisay inuu geeriyooday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON