Shaqaaqooyin ka dhacay ciyaar Kubadda Cagta ah oo magaalada Hargeysa ku ddex martay ayaa dhalisay dhaawacyo iyo rabshado xoog leh oo hareeyay magaalada.
Ciyaartii galabta oo dhex marayay kooxaha daad-mareen iyo Hawad ee Somaliland ayey shaqaaqada ka dhalatay markii Gool-ku-laad (Rigoore) laga qabtay kooxda Hawd, taasoo kooxdaasi diiday markii ay sheegtay inuu khalad galay Goolhayaha kooxda kale.
Waxaa garoonka hareeyay qas iyo rabshado, waxaana dhagxaan baday oo la adeegsaday ku dhaawacmay in ka badan 10 qof oo askar iyo shacab isugu jira. Ciyaartii ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo aan la sheegin natiijadeeda.
Wasaaradda Cayaaraha Somaliland ayaa sheegtay inay natiijada dib kasoo sheegi doonto. Labada koox ayaa waqtigii caadiga ahaa ee ciyaartii dhammeystay barbarro 0-0 ah, kadibna waxaa loo dhigey, Gool-ku-laad, midkod uu muran dhaliyey.
Taagerayaal careysan aya dab qabadsiiyey goobo u dhow Garoonka, waxaana ka hortegay cidamada Booliska.
