Booliska ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigay tiradii ugu badneyd ciyaal-weerada ka kacay xaafadaha Muqdisho oo lagu soo qabtay howlgalka ‘Samakaab’ ee ka socda caasimadda.
Falalka ugu badan ee buradnimada iyo dilka ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, taasoo noqotay degmada ugu halista badan dhinaca Amniga, qarkana u saartan inay dadku ka qaxaan.
Xalay waxay Ciyaal-weerada Kaaraan dileen C/raxman Sheekh Muxumed (Maracade) wiil 19 sano jir ah oo dhigta Dugsi sare, kana mida dhalinyarrada Diinta barata, kaasoo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo ay hore kooxahaasi u dileen Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu magcaabi jairay Macalin Nuur Maxamed Jimcaale.
Afhayeenka Booliska ayaa sheegay iay degmada Kaaraan kusoo qabteen tiro badan oo ka mida Ciyaal-weerada degmada Kaaraan oo loo heysto falal isugu jira dil iyo burcadnimo.
Ciyaal-weerada degmada Kaaraan ayaa ka tiro badan, kana halis badan kuwa xaafadaha kale ee magaalada Muqdisho, waxayna kireystaan guryo qarsoodi ah oo ay ku degaan 4 ilaa 9 qof.

