Waxa xaafado ka mida magaalada Muqdisho dib u soo noolaaday kooxihii Ciyaal-weerada oo dhibaato weyn ku hayey dadka caasimadda, iyadoo ay xalay wiil dhalinyaro ah dileen.
Koox ciyaal weero ah ayaa xaafada Nuur Tugumbe ee degmada Yaaqshiid ku dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Shaafici Macalin Nuur, waxaana dad ehelkiisa ay sheegeen inay qaar ka mida ciyaalkaasi ay Toorey uga dhufteen meelo halis ah oo jirkiisa ka mdia, kadib uu dhaawacii soo gaaray uuu u geeriyooday.
Tacsida iyo murugada ka dhaltay dilka wiilkan ayaa hareysay Qoyskiisa iyo saaxiibadii, waxayna arrintan dib u soo nooleysay dhibaatadii ciyaal weerada xaafadha Muqdisho ku hayeen horaantii sanadkan oo heer halis ah gaartay.
Dadka Xaafadaha degmooyinka Yaqshiid, Heliwaa iyo Kaaraan ayaa sheegaya inay si weyn u dib ugu soo laba kacleeyeen ciyaalka weerrada, oo hadda ku hubeysan Tooreeyo, Baangado iyo Biro waaweyn, iyadoo dil, dhac iyo waxyeelo ku haya dadk degaannadasi.

Shaafici Macalin Nuur