Ciidamada amniga caasimadda Muqdisho ayaa qabtay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo loo diyaariyay in lagu fuliyo weerar is-miidaamin ah.
Gaarigan ayaa lagu qabtay degaanka Daaru-salaam, degmada Yaaqshiid egobolka Banaadir, wuxuuna noociisu ahaa Toyota Landcruiser oo Soomali u taqaan ‘Leyla-calaawi’ kaasoo lagu soo rarray waxyaabaha Qarxa ee TNT.
Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali Doodishe ayaa sheegay in Gaariga ay saarnaayeen 11 jirgaan oo Caaggaga labaatanlayaal ah oo ay ku jiraan baaruuda loo isticmaalo qaraxyada.
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay darawalkii waday gaariga, oo lahaa labo taargo oo ah kuwa ay isticmaalan dowladda goboleedyada dalka.