Ciidamada Booliska maamulka Gobolka Hiiraan ayaa weerar ku qaaday maanta xarunta Idaacadda Hiiraanweyn ee magaalada Beledweyne.
Ciidamada Booliska oo la sheegay inay ka amar qaataan madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa gudaha u galay Idaacadda Hiiiraweyn oo ay hawada ka saareen, kadibma waxay Xarunta ka qabteen shaqaalihii ku sugnaa.
Maamulka Idaacadda aya sheegay inay ciidamada hawada ka saaray Idaacadda aanay u sheegin sababta loo xiray iyo cidda ka danbeysa, waxayna kaxeysteen shaqaalihii joogay Idaacadda.
Shaqaalahii xabsiga loo taxaabay waxay kala yihiin:
1- Yaasiin Cali Axmed
2- Abdullaahi Cali Abuukar
3- Maxamed Ibraahin Axmed
4- Maxamed Cismaan Maxamuud
5- Cabdisamad Cilmi Cabdi
6- Cabdimajiid Daahir
7- Mustaf Cali Caddow