Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo taageersan Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ay dhaqdhaqaaq ka wadaan degaano ka tirsan Gobolka Bari.
Ciidamadan oo ka mid ahaa Darawiishta Puntland ayaa hadda taabacsan Wasiir Jamaal oo qarka u saaran inuu waayo kursiga uu ku fadhiyey ee xildhibaanka Baralamaanka Federaalka HOP169, taasoo keentay inay ciidamadan xitaan maanta jidka ka yimaada Tuulada Ceeldaahir ee taga magaalada Boosaaso.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada xirtay Wadadda laamiga degaanka Ceeldaahir ee taageersanaa Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ay fureeen wadaddaasi markii ay arrinta soo dhex galeen odayaasha degaanka.
Ciidamada gadoodsan ayaa ku hanjabay inay dagaal ku qaadi doonaan magaalada Boosaaso, haddii aan la joojin boobka lagu hayo kuraasta beeshooda, waxayna farriin u direen madaxweynaha Puntland.
Wasiir Jamaal ayaa hore uga digay in sida ay ku socoto doorashada kuraasta taalla Boosaaso ay keeni karto amni darro, waxaana hadda sii yaraaday rajada uu ka qabo inuu kursigaas kusoo baxo, markii loo wareejiyay beel kale.
