Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamadii hore uga tirsanaa Ahlu suna ee ku biiray xoogga dalka ay is abaabuleen oo ay qabsadeen qeybo ka mida degmada Matabbaan.
Ciidamadan oo lagu biiriyey qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka ee fadhigoodu yahay Gobolka Galgaduud ayaa la wareegay saldhiga, kontroolka Magaalada laga soo galo, iyo xarunta degmada Matabaan.
Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo ay ciidamada taabacsan maamulka Galmudug ay ka talinaaan degmadaasi, waxaana si weyn la isugu heystay Koontaroolka magaalada oo lagu ururiyo lacago laga qaado gaadiidka u kala socda Gobollada Dhexe ee dalka.
Ciidamada gadoodsan ee la wareegay Matabaan ayaa la sheegay inay ka caroodeen dhaqaalaha laga qaado halkaasi oo aan dib loogu soo celin degmada ee ay la wareegtay madaxtooyada madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.
