Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan guddoomiyaha cusub ee Gobolkaasi ay la wareegeen xarunta Guriga Gobolka ee magaalada Beledweyne.
Ciidamada guddoomiyaha cusub ee Cali Jeyte Cusmaan ayaa awood kula wareegay xarunta Gobolka markii guddoomiyihii hore Cali Caraale uu diiday inuu xilka wareejiyo, iyadoo ciidamadii taageersanaa guddoomiyihii hore qaarkood la qabtay, qaar kalena ay goobta isaga baxsadeen.
Xaaladda ayaan weli kala caddeyn, iyadoo guddoomiyaha cusub uu doonayo inuu ka howlgalo xarunta Gobolka, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee guddoomiye cusub uu Gobolka Hiiraan xilka kula wareego awood ciidan
Gobolka Hiiraan ayaa intii la dhisay maamulka Hirshabeelle waxaa la isu bedelay guddoomiyeyaal kala duwan oo qaarkood ilaa saddex jeer xilka loo magacaabay.