Saturday, April 19, 2025

Ciidamo Soomaali & Mareykan ah oo weerar ku qaaday degaanka Awdheegle [NISA iyo Alshabab oo ka hadlay]

Ciidamo isugu jira Kumaandooska Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa xalay xilli danbe weerar ku qaaday degaanka Awdheegle ee Gobolka Sh/hoose.

Weerarka ayaa lala beegsaday xarun lagu ururiyo sakawaadka iyo saldhigga booliska degaankaasi, waxaana loo adeegsaday ciidamo dhulka ah oo diyaarado lagu daadiyey iyo diyaaradaha dagaalka, iyadoo lasoo weriyey qasaare halkaasi ka dhacay.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in Howlgalka laga fuliyey xarun ay Alshabab ku lahayd tuulada Awdheegle, waxayna intaas ku dartay in lagu soo qabtay walxaha qarxa oo loo diyaariyay .

Ad

Dhinaca kale Alshabaab sheegtay inay fashilisay weerarka ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda soo qaadeen, isla markaana ay qasaare gaarsiiyeen, waxayna Alshabaab shaacisay in ciidamada soo duulay ay qalab iyo dhiig badan uga tageen goobta weerarku ka dhacay dibna u carrareen.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqleen hub xoog leh iyo rasaas fara badan xilligii danbe ee xalay kadibna diyaarado dagaal ay gantaallo ku rideen saldhigga iyo suuqa Awdheegle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON