Friday, December 1, 2023

Ciidamo la Qorsheeyay inay Alshabaab ka xoreeyaan Ceelbuur oo laga qaaday Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu horeeyay ee loo qorsheeyay inay ka qeyb qaataan dib u xoreynta degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud u qaaday magaalada Dhuusamareeb, iyagoo laga qaaday caasimadda Muqdisho.

Ciidamadan ayaa Warbaahinta Dowladdu sheegtay in loogu tala galay Xoraynta Ceelbuur iyo deegaannada hoos tega, waxaana hoggaaminaya xildhibanno iyo mas’uuliyiin kasoo jeeda degaanadaasi oo Muqdisho ka tegay.

“Qeybtii koowaad ciidamo ka tirsan XDS oo ka qeyb qaadan doonaa xoreynta deegaannada aan ku matalo Golaha Shacabka, dadka deegaanka iyo xubnaha ku jira labada gole ee DFS oo wadajir ah waxay ka qeyb qaadan doonaan sidii aan deegaannadaas uga xoreyn laheyn cadawga Nabad-diidka ah” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo ka mida Golaha shacabka oo la socday ciidamadaasi.

Ad

Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa ka socda kacdoon dadka degaanka uga horjeedaan Alshabaab, iyadoo ay ka socdaan dagaallo culus, waxaana Alshabaab lagu furay Aagag dagaal oo badan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON