Ciidamo kumaandoos Soomaali ah oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo tiradoodu ku dhowdahay 300 askari ayaa waxay soo dhammeysteen tababar muddo uga socda dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Milateriga iyo saraakiil sare.




