Wednesday, April 23, 2025

Ciidamo Kenyan ah oo Gudaha u soo galay Xuduudka & Dadweynaha Beled-xaawo oo bannanabax uga hortegan

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inay weli halkaasi ka socdaan bannanbaxyo ay dhigayaan dadka degmada Beled-xaawo oo hortaagan ciidamo Kenyaan ah oo ka soo gudbay xadka iyagoo doonaya inay dib u calaamadeeyaan xuduudka labada dal.

Maalintii labaad ayaa la sheegay inay Banaanbaxyo ka socdaan Beled-xaawo, kuwaasoo looga soo horjeedo Ciidamada Kenya oo Degmada Baled-xaawo ka bilaabay inay Calaamadiyaan dhul ka tirsan degmada oo ay doonayaan inay ka dhisaan deri kala qeybiya labada dal.

Ciidamada Kenya ayaa shalay iyo maanta waxay Beledxaawo ka wadaan Calaamadeyn iyo xadgududub ay dhuika magaalada qeyb ka mida ku soo galeen, waxaana dadka magaalada ka careysiiyay in degaan weyn oo Xilligii Dowladdii Milatariga Soomaaliya ay ka talin jirtay ka mid ahaa Soomaaliya ay hadda sheegatay Kenya.

Ad

Shacabka Beled-xaawo ayaa Dhagxaan ku tuuray ciidamada, kana hortegay, iyadoo aanay jirin ciidamo halkaasi wax tallaabo ah ka qaaday, waxaana weli socda is mari waaga ku saabsan qorshaha dhul balaarsiga ee Kenya ka wado Gobolka Gedo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON