Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa haleeshay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimadda Muqdisho oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, magaalada Muqdisho.
Qaraxa Miinada oo lagu aasay wadadda dhinaceeda ayaa lagu qarxiyay xilli ay ciidamadu marayeen meel u dhow goobtaasim waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Hal askari oo ka mid ahaa ciidamadii Gaariga la qarxiyay saarnaa uu ku dhintay, halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax, iyadoo sheegtay inay ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya.