Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa bilaabay inay warbaahinta ka hadlaan iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan dhowr bilood soo wajahday.
Waxay arrintan soo shaac baxday markii Taliyaha ciidamada Cirka Soomaaliyeed
Gen. Maxamuud Sheekh Cali oo dhowaan sheegay in ciidamadiisa ay mushaar la’aan yihiin muddo 3 bilood ah, isla markaana ay u taagan yihii shaqadooda.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga oo ku sugan degmada Mahadaay ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay inuusan mushaar qaadan muddo 3 bilood ah, isagoo ka mid ciidamada diiwaan gashan ee lacagtu u soo dhici jirtay, wuxuuna intaas ku daray in qaar ka mida ciidamada ay u soo dhacday, halka qaar kale aysan weli helin wax mushaar ah, kasoo markii horeba ahaa $100 Bishii.
Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo wasaaradda maaliyadda ay miisaaniyadii 2018 ku dartay lacag cusub oo ay sheegtay in loo helay ciidamada dowladda, kadib markii ay meesha ka baxeen dalal saaxiibo ah oo bixin jiray miisaaniyadda.
Lama oga sababta keentay in ciidamada milateriga qaarkood ay waayaan mushaarkooda iyadoo mushaarka uu yahay qodobka ugu weyn ee ay waxqabadka ka dhigatay dowladda uu hoggaamiyo Madaxwene Maxamed C/llaahi Farmaajo.