Tuesday, May 21, 2024

Ciidamo ka tirsan dowladda oo toogasho ku dilay Darawal Mooto-Bajaaj, Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in Darawal Mooto bajaaj lagu diley degmada Karaan ee Gobolka Banaadir.

Dilka darawalka ayaa la sheegay inay geysteen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo  watay gaari Cabdi Bille, waxayna si bareer ah rasaas ugu fureen Darawalka Mooto Bajaajta, kadib markii uu dhex maray muran, waxayna si xowli ah uga baxsadeen goobta iyagoo aan dib u soo laaban.

Waxaaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo maamulka degmada Kaaraan, iyadoo Meydka loo qaaday xarunta CID-da. wuxuuna dilka ka dhacay iridka hore ee saldhiga degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.

Ad

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa si joogto ah u dila Darawalada mooto bajaajta ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON