Monday, February 17, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta galay Matabaan iyo Askar Soomaali ah oo hor istaagay

Dowladda Itoobiya ayaa kumanaan ciidamo ah oo cusub soo gelisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay maanta tageen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyagoo tiradooda lagu sheegay inay guuto dhan yihiin, waxayna lug ku mareen gudaha magalada, iyadoo wata gadiida dagaal.

Ciidamadan ayaa ka gudbay xadka Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sheegay, waxayna dadka degaanka u sheegeen inay ku raad joogaan maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab, waxaana la sheegay inay dib u laabteen.

Ad

Taliyaha Booliska Matabaan Xasan Cumar ayaa sheegay inay ciidamada Itoobiya hor istaageen, markii ay saaka barqadii soo galeen, wuxuuna intaas ku daray inay ka dalbadeen inay dib u laabtaan, maadaama aysan wax Shabaab ah halkaas ku sugneyn, kadibna ay dib u laabteen.

Horaantii bishan June ay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah sidoo kale u gudbeen Gobolka Gedo, waxayna Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya 11-kii bishan shaacisay inay saraakiisha Itoobiya la kulmeen Guddoomiyaha Doolow iyo odayaasha degaanka.

Dhaqdhaqaaqan cusub ee ay wadaan ciidamada Ethiopia ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ciidamda Itoobiya dalka isaga baxaan oo aysan ka mid noqon ciidamada cusub ee Somaliya ka howgalaya.

- Advertisement -

Ujeedka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed xilligan ciidamada cusub ugu soo diray Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu culeys ku saaro dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta inay dalka ka saarto ciidamada Itoobiyaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON