Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay maanta kusoo qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Wuxuu sheegay in maanta subaxnimadii ay ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Hirshabeelle ay weerar kusoo qaadeen xarunta Maamulka Dowladda Hoose ee magaalada Beledweyne, ayna iska caabiyeen ciidamadii ilaalada ka ahaa, wuxuuna u mahadceliyey ciidamada AMISOM.
Cali Maxamed Carraale ayaa baaq u diray dowldda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM inay arrintan soo farageliyaan, isagoo sheegay inay hadda is hor fadhiyaan laba ciidan oo qaarkood ay ciidamada dowladda ka mid yihiin, loona adeegsanayo dano gaara, sida uu yiri.
Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan ayaa diiday oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle, iyadoo ay mar kale magaalada Beledweyne ka taagan tahay xiisad ka dhalatay arrintan.