Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland aya saaka qabsaday Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ee Magaalada Boosaaso, iyagoo ka gadoodsan in xuquuqdooda aan la siin.
Ciidamadan oo loo xil saaray la-dagaalanka Maraakiibta xaalufka ka wada xeebaha Goblka Bari ayaa sheegay inay Mushaar iyo xuquuqdii ay lahaayen, waxayna qabsadeen xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga, iyagoo diiday in la galo ama laga baxo.
Dhinaca kale magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa xaalad cusub saaka ku waabariisatay markii ciidamada amniga ay joojiyeen dhaqdhaqaaqii magaalada, isla markaan ay xireen wadooyinka magaalada, iyadoo maanta lagu soo dhoweynayo halkaasi madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni oo muddo ku dhow laba bilood ka maqnaa degaanada maamulkiisa.
Soo dhoweynta Madaxweyne Deni ayaa loo abaabulay si heer sare ah iyadoo magaalada Garowe lagu soo rogay bandow, waxayna dadka magaaladaasi dareemayaan xaalad ay si joogto ah ula kulmaan dadka ku nool caasimadda Muqdisho.
