Saturday, April 26, 2025

Ciidamo Dheeraad ah iyo Dhagaxyo lagu soo kordhiyey Amniga Xarumaha Degmooyinka G/Banaadir

Waxaa la adkeeyay amnga xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho kadib markii muddo 8 maalmood gudahood ah la qarxiyey laba xarun oo burbur weyn ka dhacay.

Xarumaha degmooyinka G/Banaadir ayaa laga dareemay xalad kacsanaan ah, waxaana dhagaxyo waaweyn iyo Biro lagu xiray inta badan wadooyinka laga soo galo xarumahaasi oo markii hore  dayac xoog leh ka jiray, isla markaana aanay joogin ciidamo badan oo ilaaliya.

Waxay xaaladu is bedeshay markii kooxa AlShabaab 2-dii iyo 10-kii bisha weerarro is-miidaamin ah ku qarxiyey xarumaha dgmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag oo ay ku dhinteen dad ku dhow 20 qof, isla markaana ay ku burbureen dhismayaashii xarumahaasi.

Ad

Wararka ayaa sheegay in ciidamo Boolis ah lagu kordhiyey xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir oo cabasho ka muujiyey inay halis u yihiin weerarrada Alsahbaab, waxa kaloo cabsi soo wajahday dadweynaha ku dhow xarumaha degmada iyo shaqaalaha xarumahasi.

Shalay ayay ahayd markii Qarax lagu  weerarray xarunta degmada Hodan oo  qasaare dhimasho iyo burbur hanti uu ka dhacay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON