Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Booliska ay maanta weerar ku qaadeen isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Qeybta canshuuraha Booliska ayaa gudaha u galay Isbitaalka Kalkaal ee ka mida isbitaallada magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay dibadda u saareen dad bukaan ahaa, iyagoo kadib halkaasi ka watay agaasimihii isbitaalkaasi.
Sida ay sheegayaan howlwadeeno ka tirsan isbitaalka ciidamada Booliska ayaa sii daayeen agaasimaha isbyiaalka, iyadoo aan la sheegin arrimihii loo kaxeysatay iyo sababta ay ciidamada u galeen xarun caafimaad.
Ciidamaad Booliska ee qeybta cansuuraha ayaa raacsan Wasaaradda Maaliyadda, waxaana la xusuustaa weerarkii ay kal hore ku qaadeen xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.
Maamulka isbitalka Kalkaal ayaa la filayaa inuu war kasoo saaro waxa ka dhacay isbitaalka iyo sababta ciidamada u soo weerareen.