Wednesday, February 19, 2025

Ciidamado howlgal burburin ah ku qaaday Xaruntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal burburin ah ka bilaabay dhismayaal ay dad barakacayaal ah ka dhisteen xaruntii Wasaarradii Arrimaha Gudaha Soomaaliya, degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dadkan oo muddo dheer deganaa burburka xarunta Wasaaradda ayaa dhowr jeer la usku dayey in laga saaro, balse saaka ayaa ugu dambeyn si awood ah looga saarayaa, waxaana howlgalka qeyb ka ah gaadiidka Cagafta bur buriya, ayaa saakay gudaha u galay xaruntii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo degnaayeen dad shacab ah.

Ciidamada oo adeegsanaya Cagafta ayaa burburiyay Guryo iyo cooashado ka dhex dhisnaa xarunta wasaaradda, waxayna dadka deganaa ku amreen inay qaataan alaabtooda, taasoo keentay barakac.

Ad

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah burburin laga wado xarumo kala duwan oo dhulkii dowladda ee magaalada Muqdisho ka tirsan, kuwaas oo dadweyne degaan, waana mid ka mida arrimaha lagu eedeeyo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON