Monday, February 17, 2025

Ciidamadii ugu horeeyay ee ATMIS oo ka baxaya Somaliya iyo Guddi baaris oo Muqdisho tegay

Aakhirka bishan June waxaa dalka ka baxaya ciidamadii ugu horeeya ee laga dhimayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS, kadib markii ay ogolaatay dowladda Fderaalka oo hore dib ugu dhigtay bixintaankooda.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda ayaa qoraal ay soo saartay dhowaan ku sheegtay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay fulinta qorshe ay dhammaadka bishan dalka uga baxayaan 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dhimista ee Golaha Amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa isna maanta sheegay in dhammaadka Bishan June dalka ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS, kuwaas oo gaaraya 2,000 askari, ayna mas’uuliyadda ammaanka dalka ku wareejin doonaan Ciidanka  Xooga Dalka.

Ad

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Safiir Mohammed El-Amine Souef ayaa wasiirka uga mahad celiyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan Dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta Saraakiisha u timid inay uu kuur galaan  hanaanka bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wakiilka Midwoga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalka ATMIS ay ka go’an tahay in mas’uuliyadda amnigalagu wareejiyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heerkiisu sareeyo oo ka socda Guddiga Ciidanka Midawga Afrika (MSC), waxyana kulamo la yeesheen Hogaanka Sare ee ATMIS, madax ka tiran dowladda Federaalka.,

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON