Dhaqdhaqaaq ciidamo Itoobiyaan ah oo fara badan ayaa laga dareemayaa Gobolka Galgaduud  iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan inay weerar ku yihiin xarunta ugu weyn Alshabaab ee degmada Xarardheere.
Ciidamo  fara badan oo  Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay xalay ka dhaqaaqeen degmada Ceel-buur, waxayna ciidamadan wataan gaadiid fara badan iyo Taangiyo sida ay soo weriyeen dadka degaanka.
Degmada Xarardheere oo mudo ayaa ku dhow dheer oo ku dhow 9 sanadood ay gacanta ku hayeen ururka Alshabaab, waxayna noqotay xarun weyn oo bartamaha Soomaliya ay ku leeyihiin, waxayna dhowaan halkaasi uga duuleen degaanada maamulka Puntland.
Ciidamada Itoobiya ayaan la ogeyn ujeedkooda iyagoo horeba usameeyay dhaqdhaqaqyo ciidan oo waxba ka soo bixin halka degaanadaa ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ka qabsadeen Alshabaab kadibna ay isaga baxeen, taasoo dhibaato weyn ku keentay dadkii shacabka ahaa.
Goobjooge.com