Monday, March 24, 2025

Ciidamadii Somaliland oo ka baxay Saldhigii Tukaraq iyo Dagaal ku qabsaday Duleedka…

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa banneeyay saldhigii xuduudka ay la lahaayeen Puntland ee Tukaraq, markii ay saameyn ku yeeshay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay ugu danbeyn ay Saaka ka guureen Aagii Tukaraq ee ugu weynaa difaacyada hore ee Puntland, waxaana la wareegay ciidamo ka socda degaanka SSC, iyadoo halkaasi ka dejiyay calankii Somaliland, kuna bedelay Calanka Somaliya.

Saacado kadin waxaa Tukaraq tegay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cali Xoosh iyo Cabdi Warsame Qowdhan.

Ad

“Saaka iyo Degmada Tukaraq oo Haraadigii Maleeshiyada Somaliland ay ku Baacsadeen Jamaahirta SSC. Sawirka Waxaa Igu Weheliya Xildhibaan Cali Yusuf Cali (Xoosh)Midnimada Soomaliya Waa Muqadas” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Qawdhan oo Tukaraq kasoo hadlay.

Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa la sheegay inay banneeyay Magaalada Laascaanood iyo agagaarkeeda, iyagoo isugu tegay Degaanka Goojacadde.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii Somaliland ee ka baxay magaalada Tukaraq oo ay saldhig ku lahaayeen uu dagaal ku qabsaday duleedka Tukaraq, markii uu weerar ku qaadeen ciidamada degaanka, waxaana lasoo werinayaa inuu dagaal xoog leh ka socodo xilligan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON