Ciidamadii muranka ka taagnaa ee magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu guuleystay in laga qaado halkaasi, kadib muddo ay isku mari waayeen Odayaasha magaaladaasi iyo taliska ciidamada Milatariga.
Ciidamadan oo ahaa kuwo cusub oo sanad tababar uga socday Xerada Lamogalaay ee magaalada Baladweyne ayaa saaka loo daadgureeyay Gobolka Galgaduud, halkaasoo la sheegay in tababar kale looga furi doono degaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud
Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khalif iyo odayaasha beeshaasi ayaa si adag uga hor yimid, iyadoo ku doodaya in ciidamadan aysan wax agab ah heysan ama ay yihiin caruur, waxayna markii danbe arrintii isu bedeshay mid salka ku heysa dareen colaadeed oo ka dhaxeysay beeshan iyo beesha kale ee degta degaanka Guriceel.
Wrarkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ciidamadaas lagu guuleystay in saaka gaadiidka dowladda looga daabulay Xerada Ceeljaalle ee duleedka Baladweyne, iyagoo ku sii jeeda Gobolka Galgaduud.
Taliyaha Guutada 5aad ee qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Faarax Cali Waasuge ayaa ku hanjabay inuu is casili doono haddii Ciidamadan loo diido in la qarameeyo oo odyaasha uu hoggaamiyo Ugaas Xasan ay bedelin mowqifkooda.