Wararka hadda laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay magaaladasi ka qaaday ciidamadii Booliska ee gaarka u tababarran (Harmacad) iyado ciidano cusub halkaasi laga dejiyey isla maanta.
Ciidamada laga qaaday magaalada Dhuusamreeb ayaa ah kuwii halkaasi ku sugnaa ee kula dagaalamay, soona afjaray Ahlu suna. waxaana lagu qaaday diyaarado Muqdisho ka tegay oo ciidamo cusub geeyay halkaasi, iyadoo la filayo in ciidamada Harmacad ee ka dagaalamay Dhuusamareeb loo qaado Gobolka Gedo.
Cutubyada cusub oo ka tirsan Ciidamada Haramcad ee Booliiska ayaa diyaarado looga qaaday Muqdisho iyadoo laga dejiyey magaalada Dhuusamareeb, waaana la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga Caasimada Galmudug.

