Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu socdo qorshe ku saabsan daad gureynta ciidamadii Gorgor ee ku sugnaa Gobolkaasi, kadib amar uu bixiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in soo celinta ciidamadan ay ahayd arrin uu hore u dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh, balse ay fulinta arrintan ay ka hor yimaadeen caqabado ay ka mid yihiin in gaadiidkooda dagaalka lasoo rarro iyo in kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ciidamada ku sugan Gobolka Gedo u doonayo inay ka howlgalaan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan degaanada laga xoreeyay Alshabaab, oo qaarkood ciidamo yaraan ay haleeshay.
Ciidamadan Gedo ku sugan siiba magaalooyinka xuduudka Kenya ayaa waxaa halkaasi geeyay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo Gobolka aan weli xal loo helin khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamulka Jubbaland.
