Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada degaanka iyo kuwa dowladda Federaalka ay dib uga baxeen qaar ka mida degaanadii ay ka qabsadeen Alshabaab.
Goobaha ay ciidamada ka baxeen ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Moqokori oo dagaal culus ka dhacay Khamiistii iyo degaanka Yasooman, waxayna ciidamadaasi ku laabteen Maxaas iyo Buuloburte.
Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan ay timid kadib khilaaf soo dhex galay hoggaanka ciidamada dowladda iyo kuwa Maleeshiyada Degaanka, iyadoo xalinta arrintaasi uu shalay Moqokori u gaaray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegeya in Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan tahay degaanada Moqokori iyo Yasooman oo Alshabaab ay dib u qabsadeen Barqonimadii maanta, iyadoo dadka degaankaasi ay ka cabsi qabaan inay Alshabaab kula kacaan falal aargoosi ah.
