Sunday, March 16, 2025

Ciidamadii ay dowladda Federaalka geysay Jowhar oo iyagoo Gadoodsan xirtay Wadooyinka Magaalada..

Ciidamadii ay dowladda Federaalka geysay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa amar diido iyo G adood ku dhaqaaqay maanta.

Ciidamadan oo ah Booliska gaarka ah ee Harmacad ayaa halkaasi loo geeyay doorashadii Hirshabelele, waxaana hadda lasoo weriyey inay sameeyeen gadood ay ku diidan yihiin inay sii joogaan Magaalada Jowhar, kadib markii muddo ku sugnaayeen, haddana xaaladda magaalada xumaatay markii ay fatahaad go’doomisay.

Ciidamadan ayaa xirtay wadooyin muhiim ah, waxayna dalbadeen in dib loogu celiyo Magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka howlgeli jireen, ayna muddo dheer ka maqnaayeen ehelladooda iyo xaasaskooda.

Ad

Waxay ciidamadan joojiyeen isu socodka dadka iyo Gaadiidka wadooyinka magaalada Jowhar, waxayna mararka qaarkood hawada u ridayeen rasaas, taasoo xaaladda ka dhigtay mid cakiran.

Markii danbe ayaa la sheegay in ciidamadan dib ugu laabteen Xeryahooda, iyadoo ay arrinta soo dhex galeen saraakiisha iyo maamulka Hirshabeelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON