Ciidamada Yuhuudda oo sii wada weerarrada culus ee ay ku hayaan Marinka Gaza ee Reer Falastiin ayaa Galabta fuliyay mid ka mida weerarradii ugu cuslaa oo lagu laayay boqolaal shacab ah.
Duqeynta ayaa ka dhacday Xerada Qaxootiga Jabaalliya oo u dhow Isbitaalka Indonesia ee Marinka Gaza, halkaas oo Banbooyin waaweyn ay ku rideen diyaaradaha dagaalka Yuhuudda, iyadoo qasaare sii kordhaya uu halkaasi ka dhacay.
Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa shaacisay in Xerada Jabaaliya oo ah goob dad badan degan yihiin dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 400 qof, dhimashaduna 100 ka badan tahay.
Ilaa 30 Guri oo ku yaalla Xerada Jabbaaliya ayey ciidamada Yuhuudu duqeeyeen, waxayna ku rideen 6 Gantaal oo culus, kuwaas oo dhulka la simay dhismayaashii, iyadoo dadkii ku noolaa ay ku le’deen, qaarkoodna meydadkooda la garan waaeyay, halka qaar kale weli la raadinayo.
Israa’iil ayaa xasuuqyo is-daba joog ah ka wada Marinka Gaza, tan iyo intii uu qarxay dagaalka ay Xamaas ku qaaday 7-dii Oktoobar, waxayna Marinka Gaza ku dishay ilaa 10,000 qof.