Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay la wareegaya Amniga xarunta Villa Somaliya ee fadhiga Madaxda Srae ee Dowladda.
Ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo Booliska Milareriga ah ayaa 17-ka Disembar 2023 oo ku beegan maalinta Berri l filayaa inay si rasmi ah ula wareegaan Amniga Madaxweynaha, Gudoonka Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha iyo Guud xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya.
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay bixitaanka ciidamada ATMIS ee la dhimayo, lana qorsheeyay inay ka wada baxaan dalka dhammaadka sanadka 2024.
“Ciidamada Xoogga iyo Milatariga Booliska ayaa waxay si sharaf leh ula wareegi doonaan mas’uuliyadda Villa Somalia berrito, taasoo calaamad u ah guul muhiim ah. Waxaan sagootineynaa ATMIS_Somalia, Ciidanka Uganda ee mas’uulka ka ahaa ilaalinta Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Xarunta Baarlamaanka 16kii sano ee la soo dhaafay” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri La-taliyaha Amniga Madaxweynaha Soomaaliya
Amniga Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga soo bilaabo anadkii 2007 waxaa u xil saarnaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ATMIS, waxaana markii ugu horeysay muddo 16 sano ah oo ciidamda Soomaaliya ay la wareegaan Amniga xarunta looga taliyo dalka.