Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamada degaanka ay la wareegeen xerada Guulwade ee ciidamda Somaliland ku lahaayen dhinaca Galbeed ee Magaalada.
Dagaal saaka ka dhacay saldhiggaan oo la sheegay inuu abaabul ka waday sarkaal lagu magcaaabo Mahad Canbaashe oo Somaliland u qaabilsan Gobolka Sool ayaa keenay inay maleeshiyada degaanka la wareegaan saldhigii ciidamada Somaliland ee gobolka Sool.
Muuqaallo laga soo duubay ayaa muujinaya in Xerada loogu tagay Gaadiid dagaal oo ay ku jiraan Kaare iyo Gaari Qoriga ZUU uu saaran yahay, Hub iyo rasaas , waxaana tani ay jab weyn ku tahay ciidamada Somaliland.
War kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa sheegay saaka in weerar lagu qaaday ciidamooda ku sugan Laascaanood, isla markaana ay iska difaaceen, iyadoo weerarka ku eedeysan nabadiin iyo argagixiso.
