Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Booliska Puntland ay xabsiga u taxaabeen Saxafi ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo dhowaan loo magacaabay weriyaha gaarka ah ee madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Xariga weriye Maxamed Cumar Soomane ayaa la sheegay in loo heyso eedeymo la xiriira warar lid ku ah Puntland oo uu ka baahiyey Warbaahinta magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada Booliska ay kaxeysteen xilli uu ku sugnaa goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Garowe, kadibna lagu xiray saldhigga Booliska Garowe.
Weriye Soomane ayaa shalay bartiisa Fecebook- ku qoray qoraal uu ku sheegay inuu raaligelin ka bixinayo war uu u diray idaacadda Kulmiye oo uu ka howlgeli jiray. Waxayna wararku sheegayaan inuu ku saabsanaa arrimaha waxbarashada Puntland iyo muranka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.
Qoraalkiisa raaligelinta ahaa waxaa ka mid ahaa: “Aniga oo ah Omar Mohamed Soomane ahna Wariyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Dowldda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Waxaan Raali Gelin Buuxda ka bixinayaa Warar ku Saabsan Xaaladda waxbarashadda Puntland iyo Arimaha Gobalk Sool oo ka baxay Idaacadda KNN ee Magaaladda Muqdisho oo aan ka Tirsanaa ka hor intaan ka Mid Noqon Shqaalaha Rasmiga ah ee Dowladda Puntand. Soo Laabashadeydii Puntland 7dii bishii Janaayo ee Sanadkan Waxay ahayd Magacaabideyda Wariyaha Gaarka ah ee mdaxweynaha Dowldda Puntland. Naf Walba oo Beni Aadam oo Nool Qalad Wuu ka dhacaa Waxaana Aamin Sanahay in Ummada uu Ilaah Abuuray ka Mid ahay Mar walbana uu Qalad iga dhici Karro. 2011kii Markii aan Puntland imaaday ilaa 2017kii oo aan ka shaqeynayay iyo mudo saddax Sano ah oo aan ka maqnaa Balse hadda aan soo laabtay, waa markii ugu horeysay oo qaladkan uu si qadar rabbi uu Igaga Dhaco.