Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliye ee NISA ayaa gurigiisa kala baxay xalay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.
Ganacsadaha ayaa la sheegay in ciidamada ay Gurigiisa xalay saqdii dhexe xoog ku galeen oo ay jebiyaan albaabadiisa, kadibna kaxeysteen, iyadoo aan wax faahfaahin laga bixin sababta xarigiisa.
Arrintan ayaa ka danbeysay wareysii uu ganacsade Xaaji Abuukar siiyey idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, kuna sheegaya in dalka laga xukumo Xarunta Xalane ee aysan jirin wax doweled ah oo dalka ka jirta.
Hore waxay NISA u xirtay ganacsade la dhashay Xaaji Abuukar oo lagu magacaabo Maxamuud Cumar Caddaan, waxaana magaalada Muqdisho ka socda dadaal iyo abaabul lagu doonayo in arrintan wax looga qabto.
