Ciidamo Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa kala baxay Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo ah weriye caan ah, kana tirsan Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa xilli habeennimo u dhacay guriga weriye, kadibna gaari ku qaatay iyadoo wararku sheegayaan in loo heysto wareysi uu ka qaaday Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo isna habeen hore ay ciidamo nabadsugid ah ugu daateen gurigiisa isla markaana xabsi u taxaabeen.
Dhaqanka ciidamada Nabadsugidda ay kula baxeen Weriye C/llaahi Kulmiye ayaa ka hor imaanaya sharciga, iyadoo aan wax maxkamad ah loo soo marin, waxaana dhowaan ay sheegtay dowladda Federaalka in la dhaqan geliyey Sharciga saxaafadda.
Hay’adda NISA ayaa loo adeegsadaa bartilmaameedsiya saxafiyiinta, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee waqtigeedu sii dhammaanayo lagu eedeeyay inay ahayd dowladii ugu xumeyd ee soo marta saxaafadda madaxa bannaan.
