Wararka laga helayo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya inuu dhaqdhaqaaq ciidan ka socdo magaalada, isla markaana ciidamo taabacsan mucaaradka ay xirteen xaafadaha qaarkood.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Siyaasiyiinta mucaaridka ay Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni iyo ku eedeeyeen inay caasimadda Garowe ku soo daadguraynayso ciidamo ay ka keentay magaalada Boosaaso, taasoo keentay in Saaka ciidamada taabacsan mucaaridka ay ka wareegeen qeybo ka mida Magaalada Garowe, iyagoo lagu arkay kaantaroolkii hore ee galbeed iyo xaafado kale.
Dugsiyada waxbarashada, jaamacadaha qaar ayaa. laxiray magaalada Garowe, waxaana joogsaday howl maalmeedkii iyo shaqooyinkii caadiga ahaa, kadib markii ay magaalada isu bedeshay meel xiisad ciidan ka taagan tahay oo dhaqdhaqaaqyoka socdaan.
Baarlamankayaa Puntland ayaa dhowaan la filayaa inuu meelmariyo xeerka Doorashooyinka qof iyo cod oo ay si weyn uga horjeedaan mucaaradka madxweyne Deni ee degaanka Gobolka Nugaal.