Ciidamadii ATMIS ee Midowga Afrika ayaa banneeyay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya, taasoo qeyb ka ah dhimista ciidamadaasi ee jooga Soomaaliya.
Munaasabad lagu sagootiyey ciidamadii mudadda 16-ka sano ilaalada ka ahaa Villa Somaliya ee AMISOM iyo ATMIS ayaa ka dhacday Xarunta madaxtooyada, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka, Agaasimaha Madaxtooyada La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomalaiya.
Madaxtooyada Soomaaliya waxaa amnigeeda la wareegay Ciidamada Koofiyad casta ee ilaalada madaxtooyada iyo ciidamo gaara oo loo tababaray, iyadoo saraakiil amni oo ku dhow madaxweynaha ay taliyeyaal u yihin ciidamadaasi.
3000 ka mida ciidamada ATMIS ayaa ka baxaya Soomaaliya aakhirka bishan Disembar 2023, sida qorshuhu yahay waxaa lagu waaa inay Soomaaliya ka wada baxaan ciidamada ATMIS Disembar 2024.