Askar ka tirsan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya jooga ayaa ka qeyb qaatay gurmadkii loo fidiyey Diyaaradii Jubba Airways ee Isniintii ku dhacday Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Askarta Mareykanka ah ayaa tababar caafimaad siinayey ciidamada Kumaandoorka ee Danab, waxayna ku sugnaayeen gudaha Garoonka meel u dhow goobta ay diyaaradu ku dhacday, iyagoo isla markiiba gargaar degdeg ah u fidiyay 30 qof oo rakaab ah oo la socday diyaaradda dhacday.
Saddex Askari oo ka tirsan Guutada Caawinta Ciidanka Amniga ee 2-aad xaruntooduna tahay Fort Bragg, N.C., ayaa tababarka caafimaad siinayey cutubyo ka tirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab, markii diyaarad ay leedahay shirkadda Jubba ay shil ku gashay Garoonka Muqdisho 10:30 subaxnimo ee 18-kii July.
Sida lagu qoray website-ka ciidamada Mareykanka ciidamadii Danab ee tababarka qaadanayey ayaa degdeg ugu gurmaday Diyaaradda, iyagoo kabooday derbigii silliga ahaa ku Garoonka si ay rakaabka dhaawaca ah uga soo saaraan diyaaradda.
Sidoo kale saddex askari oo ka tirsan ciidamada SFAB ee Mareykanka ayaa goob degdega ka sameeyay meel 100 mitir u jirta goobta shilku diyaaraddu ka dhacay, waxayna caawiyeen askarta Danab ee gurmadka waday oo Diyaaradda kasoo daad gureeyay 16 rakaab ah oo dhaawac ah.
Col. Sean Nolan oo ah taliyaha guutada 2-aad, ciidamada SFAB ayaa bogaasiyey falcelina askarta Mareykanka iyo ciidamada Danab ee Soomaalida, isagoo sheegay in tallaabada ay qaadeen ay muujineyso karti, jawaab degdeg ah iyo go’aan qaadasho ah oo lagama maarmaan u ah howlgalkooda.
Askarta Mareykanka ee (U.S. Army Southern European Task Force, Africa) ayaa qeyb ka ah Kooxda La-talinta oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab kala shaqeeya xoojinta awoodda Danab ee dhinaca caafimaadka iyo gargaarka degdegga ah si ay u taageeraan hawlgalkooda ka dhanka ah ururada xagjirka ah ee rabshadaha wata.
Sawirrada ay faafiyeen milateriga Mareykanka ayaa muujinaya askar ka mida Danab oo ka boodaya Silliga Garoonka ku wareegsan si ay u gaareen diyaaradda shilka gashay oo gadoontay, sidoo kale waxaa ka muuqda in dadka laga soo saarayey diyaaradda iyadoo dhaawacyada Mareykanku sheegay ay ka badan yihiin dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Jubba Airways shaaciyeen.
