Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa sheegay iney dileen Saraakiil Al-shabaab ka tisan, kadib howlgal gaara oo ay ka dhacay degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ku daba jireen in mudo ah, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.
Saraakiisha lagu dilay howlgalka degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ka mida: Zubeyr Almuhaajir oo ahaa Sarkaalka tababarada Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Macalin Cumar
Zubeyr Almuhaajir, waxa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa Saraakiisha Ajaanibta Al-shabaab ka barbar dagaalanta, Sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada DANAB oo ay soo xigtay idaacadda ciidamada.
Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa waxaa tababarray oo ay gacansaar leeyihiin ciidamada Mareykanka, iyadoo ay la howlgalaan, waxayn xaruntoodu ahay saldhigga Balidoogle.