-Ciidammada kumaandooska ee xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyey deegaanka Shaam ee Galbeedka inta ka xiga degmada Awdheegle, una dhaxeesa Bariire iyo Awdheegle.
Howlgalkan oo ahaa mid la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan ayaa dhacay saaka, waxayna ciidamada ku beegsadeen fadhi ay Maleeshiyada Alshabaab ku lahayd, halkaasi, sida uu sheegay Taliyaha Ciidammada Dhulka General Yuusuf Odowaa oo intaas ku drtay in howlgalkaasi lagu guuleysatay.
“Waxaan Howlgal Qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysannay Maleeshiyaadka Al-Shabaab, annagoo la wareegnay gacan kuheynta deegaankaas.” ayey warbaahinta dowladda kasoo xigatay Taliyaha ciidamada dhulka oo aan faahfaahin ka bixin qasaaraha labada dhinac.
Kumaandooska ay tababerreen Mareynkanka iyo Turkiga ayaa dhowaan Alshabaab kala wareegay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weli socda howlgallo ka wadaan agagaarka degmadaasi.