Thursday, April 24, 2025

Ciidamada Kumaandooska oo weerar ku qaaday Goob isku urursadeen Alshabaab & horjoogayaal lagu dilay

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday degaanka Daarusaleem ee degmada Awdheegle, Gobolka Sh/hoose goob la sheegay inay isku urursanayeen Maleeshiyada Alshabaab.

Ciidanka kumaandooska ayaa la sheegay inay ka war heleen maleeshiyada Alshabaab ee ku diyaar garoobeysay degaanka Daarusalaam, waxaana la sheegay inay weerar kedis ah ku qaadeen ciidamada, halkaasoo lagu dilay laba horjooge iyo toddobo maleeshiyaad ah, sida ay baahisay warbaahinta ciidamada.

Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin aayaa u sheegay idaacadda ciidamada in duqeyn dhinaca cirka lala beegsaday maleeshiyaadkii weerarka ka baxsaday, iyadoo howlgalka lagu dilay 10 Alshabaab ah iyo tiro kalena lagu dhaawacay.

Ad

Ma jiro wax madax bannaan oo laga helay weerarkan, iyadoo aan sidoo kale wax war ah kasoo bixin Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON